Aston Villa Oo Cashar U Dhigtay Arsenal Hadiyad Qaali Ahna U Dirtay Man City.

Kooxda Aston Villa ayaa guul xiiso leh ka gaartay Arsenal iyagoo 2-1 ku garaacay, kulan ka tirsanaa wareegga 15-aad ee Premier League-ka, kaasoo ka dhacay garoonka Villa Park.

Arsenal waxay yeelatay 33 dhibcood oo ay ku joogto hoggaanka horyaalka, halka Aston Villa ay gaartay 30 dhibcood oo ay si ku-meelgaar ah ugu sii jirto kaalinta labaad.

Aston Villa ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta iyada Matty Cash daqiiqaddii 36-aad dhaliyay goolka, ka dib markii baas diyaar ah oo dhinaca bidix laga soo qaaday uu gaaray dhinaca midig, Cash-na uu kubad xooggan oo gudaha xerada ganaaxa ah ka dhaliyay isagoo ka dhex mariyay lugaha goolhayaha.

Arsenal ayaa keentay goolka barbardhaca daqiiqaddii 52-aad, waxaana dhaliyay Leandro Trossard kadib markii Saka uu soo qaaday kubad ka timid gudaha xerada ganaaxa.

Daqiiqaddii 90+4, Aston Villa ayaa dhalisay goolka guusha ee , waxaana dhaliyay Emiliano Buendía kaas oo dharbak u saaray Arsenal guuldaradii 2-aad ee premier League xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga