Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto Aston Villa.

Arsenal waxay rajeynayaan in Declan Rice uu caafimaad ahaan diyaar u noqdo kulanka Sabtida ee ay la ciyaarayaan Aston Villa Premier League-ka.

Laacibka khadka dhexe ee England ayaa qasab ku baxay dhamaadkii ciyaartii ay 2-0 kaga badiyeen Brentford Arbacadii, kaddib markii uu dareemay dhibaato muruqa canqowga.

Cristhian Mosquera wuxuu la tacaalayaa dhibaato canqowga ah, waxaana loo baahan yahay in baaritaanno dheeri ah lagu sameeyo ka dib markii uu qaybtii hore ku baxay isagoo la il-daran dhaawac intii lagu jiray ciyaartii Brentford.

Arsenal sidoo kale Arsenal waxa ka maqnaan doona Leandro Trossard iyo William Saliba kulankii Brentford sababo la xiriira dhaawacyo.
Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto Aston Villa:
Raya; Timber, Saliba, Hincapie, Calafiori; Odegaard, Zubimendi, Rice; Saka, Merino, Martinelli

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga