Tababare Enzo Maresca ayaa la filayaa in uu is badal weyn ku sameeyo shaxdiisa kulanka ay booqanayaan Bournemouth.
kooxda Chelsea ayaa Arbacadii si weyn ugu dhibaatootay guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Leeds United.
Maresca ayaa doonaya in uu hubiyo in ay kooxdiisu ku soo laabato wadada guulaha waxana uu samayn doonaa badal weyn.
Cole Palmer ayaa badal ku soo galay kulankii Leeds kadib markii uu ka soo laabtay dhaawac uu muddo dheer ku maqnaa.
Reece James ayaa la filayaa n uu ku soo laabto kulanka kadib markii la nasiyay kulankii Leeds sidoo kale Wesley Fofana ayaa ku soo laaban kara.
Dhinaca weerarka Maresca ayaa kala dooran doona Liam Delap Iyo Joao Pedro
Shaxda Ay Chelsea Kaga Hor Tagi Karo Bournemouth:
Sanchez; Cucurella, Fofana, Chalobah, Gusto; Fernandez, James; Garnacho, Palmer, Neto; Joao Pedro
Be the first to comment