Trent Alexander-Arnold Oo Fariin Qiiro Leh U Diray Taageerayaasha Real Madrid.

Xiddiga Trent Alexander-Arnold ayaa farriin taabasho leh u diray taageerayaasha Real Madrid, kaddib markii si rasmi ah loo xaqiijiyay dhaawiciisa iyo inuu garoomada ka maqnaan doono muddo laba bilood ah, taasoo timid kaddib dhaawac ka soo gaadhay kulankii Athletic Bilbao.

Ciyaaryahanku waxa uu ku qoray bartiisa rasmiga ah ee Instagram:
“Aad ayaan uga niyad-jabsanahay waxa dhacay. Waqtigiisu waa mid xanuun badan, laakiin waxaan sameyn doonaa wax kasta oo karaankeyga ah si aan u soo laabto anigoo ka xoog iyo ka fiican! Waxaan idin arki doonaa 2026, Madridistas.”

Real Madrid ayaa hore u sheegay in baaritaannada caafimaad ee lagu sameeyay Arnold ay muujiyeen inuu dhaawac ka gaaray muruqa.

Maqnaanshaha Arnold wuxuu noqday dhirbaaxo culus oo ku wajahan tababare Xabi Alonso xilli muhiim ah oo ka mid ah fasalka, halka naadiga iyo taageerayaashuba ay rajaynayaan in xiddiga Ingiriiska uu ku soo laabto isagoo dhamaystiran marka uu bilowdo sannadka cusub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga