Petit Oo Sheegay Sababta Ayna Barcelona Ugu Guulaysan Karin Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Xidigii hore ee xulka France, Emmanuel Petit, ayaa sheegay sababaha uu u aaminsan yahay in Barcelona aysan ku guuleysan doonin UEFA Champions League xilli-ciyaareedkan.

Sida uu Petit sheegay, Barcelona waxa ay u egyihiin casino, sababtoo ah waxay ku tiirsan yihiin garabka dhalinyarada ah Lamine Yamal.

Wuxuu intaas ku daray in difaaca Barcelona uu sidoo kale yahay sabab kale oo ay koobka Yurub ugu guuleysan karin sanadkan.

Petit oo ay soo xigatay TouchlineX ayaa yiri:

“Barça waxay u dagaallami karaan La Liga, laakiin Champions League ma aha, marnaba. Ma jiraa qof aaminsan inay ku qaadi karaan koobkaas difaac sidan oo kale ah? Waa wax aan macquul ahayn.”

“Waxaan ku aragnay kulankii Inter. Sidee ayaad u oggolaan kartaa in lagaa dhaliyo 7 gool semi-finalka Champions League? Qaar ayaa odhan kara waxay dhaliyeen 6 gool, laakiin taasi aniga iguma filna.”

“Barcelona maanta waxay u egyihiin casino: dhammaan rajada iyo sharadku waxay saaran yihiin Lamine Yamal.”

“Barcelona maanta waa inay ku tiirsanaadaan Lamine Yamal. Waxay haystaan ciyaartoy tayo leh, laakin ma haystaan xiddigo heer caalami ah oo la mid ah Lionel Messi.”

“Lamine Yamal kaligii ma qaadi karo Champions League. Iyada oo aan la duudsiyin Messi, isaguba ma samayn karin la’aanteed Xavi, Iniesta iyo Puyol.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga