Kabtankii hore ee Chelsea, John Terry, ayaa si adag u dhaliilay kooxda hadda jirta kaddib guuldarro 3-1 ah oo ay ka qaateen Leeds United habeenkii Arbacada ee Premier League-ga.
Natiijada ayaa la macno ah in ay chelsea u dhaadhacdo kaalinta 5-aad ee kala saraynta premier League iyaga sagaal dhibcood ka dambeeyaan hogaamiyeyaasha horyaalka, Arsenal.
“Waxaad halkaas u tagtaa oo aad la mid noqotaa (dadaalkooda) ama gebi ahaanba waxaad ka qaaddaa xamaasadda ciyaarta, mana u muuqan waxaas midkood inaan sameynay qeybtii hore.”
“Laba ciyaarood oo cajiib ah ma raaci karno anagoo soo bandhigaya ciyaar sidan oo kale ah. Sidaas kuma noqonaysid koox ku tartamaysa hanashada horyaalka.”
Be the first to comment