Liverpool Oo Bar-Baro La Gashuy Sunderland.

Liverpool ayaa ku qasbanaatay barbardhac 1-1 ah oo ay la gashay Sunderland kulanka wareegga 14-aad ee horyaalka Premier League, ciyaartaas oo ka dhacday garoonka Anfield.

Sunderland ayaa dhalisay goolka furitaanka daqiiqaddii 67-aad, waxaana ka dhaliyay Shamseddine Talbi kaddib

Daqiiqaddii 82-aad, Liverpool ayaa heshay goolka barbardhaca, waxaana iska dhaliyay Nordi Mukiele, kadib markii Florian Wirtz laaday.

Liverpool waxay korodhsatay dhibcaha ilaa 22 dhibcood, taasoo si ku-meel-gaar ah u gelisay kaalinta siddeedaad, halka Sunderland ay gaartay 23 dhibcood oo ay ugu sii gudubtay kaalinta lixaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga