Arsenal ayaa ka heshay guul qiimo leh Brentford iyagoo 2-0 ku garaacay kulankii 14-aad ee Premier League-ka, kaasoo ka dhacay garoonka Emirates.
Arsenal waxay hoggaanka ku qabteen gool uu dhaliyay Mikel Merino daqiiqaddii 11-aad, halka Bukayo Saka uu goolka labaad dhaliyay daqiiqaddii 90-aad.
Gunners-ka ayaa dhibcaha isku geeyay 33, waxayna hoggaanka ku hayaan shan dhibcood oo ay Kaga hayaan kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Manchester City, halka Brentford ay ku sii hareen 19 dhibcood oo ay kaga jiraan kaalinta 13-aad.
Waxaa xusid mudan in Arsenal ay Sabtida la ciyaari doonto Aston Villa kulanka 15-aad ee Premier League-ka.
Be the first to comment