
Manchester United ayaa weyn doonta Lisandro Martinez iyo Noussair Mazraoui kulanka furitaanka Premier League ee ay la ciyaarayaan Arsenal.
Tan waxaa xaqiijiyay tababaraha kooxda ee Ruben Amorim ka Hor shirkii Kulanka Axada.
United ayaa soo dhawaynaysa Gunners axada si ay u bilaabato Xilli Ciyaareerdka 2025/2026.
Amorim, oo rajeynaya inuu si fiican ku bilowdo xilli ciyaareedka, ayaa ku qasbanaan doona inuu sidaas sameeyo iyada oo ay laba daafac la maqanyihiin.
Martinez ayaan la heli doonin madaama uu ka soo kabsanayo xanuun jilibka ah oo uu muddo dheer ku maqnaa, halka Mazraoui uu dhaawac muruqa ah ku maqan yahay.
Amorim ayaa si kastaba ha ahaatee xaqiijiyay in labada Andre Onana iyo Joshua Zirkzee ay suurtogal tahay inay ciyaaraan, halka Benjamin Sesko uu safka hore ugu jiro.
“Lisandro Martinez ma Ciyaari doono, Mazraoui sidoo kale wuu maqnaan doonaan”ayuu Sii raaciyay.
Be the first to comment