Arsenal Oo Shaacisay Lambarka Uu Noni Madueke U Xidhan Doono Kooxda.

Arsenal ayaa xaqiijisay lambarka funaanada  uu qaadan doono xiddigooda cusub ee Noni Madueke.

Madueke waxa uu Arsenal kaga soo biiray kooxda ay London ku xafiiltamaan ee Chelsea heshiis ku kacaya ilaa 52 milyan oo euro.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa noqonaya saxiixii 4-aad ee kooxda kadib markii ay la soo saxiixdeen xiddigaha Martin Zubimendi, Kepa Arrizabalaga iyo Christian Norgaard.

Iyada oo uu awood u leeyahay in uu ka ciyaaro boosas badan oo weerarka ah xiddiha 23 jirka ah ayaa buuxin doona boosas badan marka loo baahdo.

Haatan, waxaa lagu dhawaaqay in Madueke uu Gunners u xiran doono No20. Lambarkan funaanad ma bannaana muddo dheer maadaama uu Jorginho xirtay ka hor inta uusan ku biirin Flamengo ka hor Koobka Kooxaha Adduunka horaantii xagaaga.

Nuno Tavares, Shkodran Mustafi, Mathieu Flamini, Johan Djourou, Philippe Senderos iyo Matthew Upson ayaa ka mid ah milkiilayaashii hore ee maaliyada No20 ee Arsenal waayihii Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga