
Xiddigga Tennis-ka, Carlos Alcaraz ayaa magacaabay labo xiddig oo Barcelona ka tirsan oo ka mid ah seddexdiisa ciyaaryahan ee ugu sarreeya ee ku guuleysan Kara abaalmarimta Ballon d’Or sanadkan.
Labada ciyaaryahan ee Barcelona ayaa kala ah Raphinha iyo Lamine Yamal.
Alcaraz ayaa sidoo kale soo xushay weeraryahanka Paris Saint-Germain Ousmane Dembele.
Sida ay daaha ka qaaday majaladda Spanish-ka ah ee Mundo Deportivo, Alcaraz ayaa la waydiiyay inuu magacaabo saddexda ciyaartoy ee ugu cad-cad abaalmarimta sanadkan.
Xiddiga Tennis-ka ayaa yiri”Saddexda xiddig ee ugu cad-cad Ballon d’Orka waa Yamal, Dembele iyo Raphinha.”.
Be the first to comment