Liverpool Oo Tallaabi U Qaaday Saxiixa Daafac Premier League Ka Ciyaara.

Kooxda Liverpool ayaa heshiis buuxa la gaadhay xiddiga kooxda Crystal Palace ee Marc Guehi  heshiiska Shaqsiga ah.

Ilo wareedyo ku dhow heshiiska ayaa sheegaya in Liverpool FC ay si buuxda heshiiska Shaqsiga ah ula gaadhay xiddiga reer England isaga oo ogolaaday heshiis 5 Sano ah.

Liverpool FC ayaa haatan wada xaajood rasmi ah la yeelan doonta Crystal Palace dhawaan – Crystal Palace ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato badalkiisa ka hor inta ayna wax heshiis ah kala xaajoon Reds.

Ilo wareedyo ayaa soo jeedinaya in Crystal Palace ay rabto xirmo qiimihiisu yahay 50 milyan oo Euro isla markaas halka hore laga bixinayo lacag dhan 35 milyan oo Euro.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga