
Ku guulaysta kabta dahabka ah ee Yurub xilli ciyaareedkan ayaa la xaqiijiyay Axadii.
Tani waxay timid ka dib markii la soo gabagabeeyay kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka Premier League.
Ka dib labo gool uu dhaliyay Kylian Mbappé guushii Real Madrid ay ka gaartay Real Sociedad sabtidii, xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ahaa xiddiga kaliya ee soo qaban Karay xiddiga reer France.
Haddii uu Salah dhalin lahaa saddex gool kulankii Palace waxa uu bar-baro la noqon lahaa Mbappe laakiin kaliya waxa uu dbaliyay hal gool.
Tani waxay ka dhigan tahay in Kylian Mbappé uu si rasmi ah ugu guuleystay abaalmarinta kabta dahabka ah ee Yurub 2024/25.
Be the first to comment