Salah Oo Qirtay Sida Uu Ugu Dhawaa In Uu Ka Tago Kooxda.

Mohamed Salah ayaa qirtay wadahadal uu Liverpool kula galay heshiis cusub “aan ahayn wax fudud” waxaana jirtay suurtogalnimo dhab ah oo uu xagaagan ka tagi karay Anfield.

Si la mid ah Virgil van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold Heshiiska Salah ayaa dhacayay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ugu dambayntii waxa uu qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu la joogayo kooxda Liverpool.

Salah ayaa si weyn loola xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda Liverpool iyada oo ay kooxo waaweyn doonayeen saxiixiisa.

Qirashada rajada ah inuu ka tago xagaagan ayaa ka caawisay inuu ku dhiirado qaab ciyaareedkiisa aan la rumeysan karin ololahan, Salah wuxuu u qirtay France Football in ka tagista Liverpool ay hubaal ahayd.

“Waxay ahayd suurtagal, haa,” ayuu yiri

“Runtii waxay ahayd wax la yaab leh, runtii si fiican ayaan u shaqaynaynay xilli ciyaareedkan, waxaana jiray wada xaajoodkan oo aan ahayn mid fudud”.

“Ugu dambayntii, wax walba si fiican ayey u dhamaadeen, waxa aan ku guulaystay horyaalka waxana aan joogayaa 2 sano oo kale”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga