Mohamed Salah Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Thierry Henry Dhigay

Saaxirkii garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa markii saddexaad loo doortay ciyaartoyga sanadka ee FWA, isagoo noqday ciyaaryahankii labaad ee ragga ah ee ku guulaysta saddex abaal-marin.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta ka dib markii uu wiilasha Arne Slot ku hogaamiyay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Salah ayaa ku lug lahaa 46 gool oo toos ah oo uu dhaliyay – 28 gool iyo 18 caawin – wuxuuna u baahan yahay hal gool oo kale si uu u barbar dhigo rikoorka Alan Shearer iyo Andy Cole ee taariikhiga ah.

Abaalmarinta seddexaad ee ciyaaryahanka FWA ee Salah ayaa ku dareysa abaalmarintiisa 2018 iyo 2022, waxaana uu ku biiray Thierry Henry oo ah ciyaaryahankii labaad ee ragga ah ee qaaday koobka seddex jeer.

Halyeyga Arsenal ayaa abaal-marintan ku guuleystay sannadihii 2003, 2004 iyo 2006, wuxuuna Salah ku guuleystay 90% codadkii la dhiibtay sannadkii 2025-kii, markaasoo saaxiibkiis Virgil van Dijk uu ku dhameystay kaalinta labaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga