Go’aanka Arsenal Ee Ku Aadan Saliba Kadib Xiisihii Real Madrid Oo La Ogaaday.

Warar ay baahiyeen saxaafada ayaa daaha ka qaaday mowqifka Arsenal kadib markii la isla dhex marayey in Real Madrid ay dooneyso inay hesho adeega ciyaaryahanka William Saliba xagaaga soo aadan.

Wararka ka imanaya France ayaa sheegay, labo maalmood ka hor, in Saliba ay dooneyso Real Madrid xagaaga soo socda.

Laacibka reer France ayaa Arsenal kula jira heshiis dhacaya June 2027, ka dib markii uu heshiis cusub u saxiixay sannadkii hore.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Express, Arsenal kama walaacsana wararka sheegaya in ay Real Madrid doonayso saxiixa Saliba.

Isla wargayska ayaa sheegaya in Go’aanka Arsenal ee Saliba uu yahay in aanu xiddigu iib ahayn xiddigu.

Wararka ayaa sheegaya in ay Arsenal diidi doonto dalab walba oo loo soo bandhigo saxiixa xiddiga reer France.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga