Xiddiga Ka Ciyaara Horyaalka Talyaanig Oo Sugaya Man United.

Manchester United ayaa la filayaa inay mashquul ku ahaato suuqa kala iibsiga xagaagan, waxaana ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay mudnaanta siin doonaan inay keenaan khad dhexe oo cusub oo ku weheliyaan Kobbie Mainoo.

Iyada oo la xaliyay mustaqbalka Ten Hag man United ayaa bilowday in ay riixdo qorshohooda suuqa kala iibsiga iyo xoojinta kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Hal ciyaaryahan oo lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Old Trafford xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee Ten Hag ayaa ahaa Adrien Rabiot, sida laga soo xigtay Tuttosport, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus ayaa hadda ‘sugaya Manchester United’ si ay ula soo xiriirto mar kale xagaagan.

Rabiot ayaa ku dhowaa inuu u dhaqaaqo Old Trafford 2022 heshiis ku kacaya 15 milyan laakiin heshiiska ayaa la rumeysan yahay inay ku burburtay caqabadii ugu dambeysay ka dib markii la isku fahmi waayay shuruudaha shaqsiyeed.M

an United ayaa la filayaa in ay Qaab xor ah ku hesho xiddiga maadama heshiiskiisa Juventus dhamaaday.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga