
Gunners ayaa dalabkii ugu horeeyay ka gudbisay daafaca bidix ee Fenerbahce Ferdi Kadioglu, sida ay ku warameyso warbaahinta Turkiga.
Dalab 18 milyan ah ayaa miiska loo saaray 24 jirkaan, laakiin Arsenal ayaa tartan adag kala kulmeysa xiddiga heerka caalami ee dalka Turkiga – kaasoo Turkiga kala qayb galaya tartanka Euro isaga oo xiiso ka helaya kooxo sucuudiga ah iyo waliba Dortmund.
Kooxda Arsenal ayaa isla markiiba laga diiday dalabka iyada oo kooxda reer Turkey ku qanacsan in uu xiddigu ka qaalisan yahay qiimahaas.
Dortmund ayaa la sheegaya in ay miiska saartay Dalab ka badan midk Arsenal iyada oo kooxda reer Turkey Dalbanayso 30 milyan oo euro.
Kooxda Arsenal ayaa u doonaysa xiddiga Ferdi Kadioglu in uu noqdo Badalka Oleksandr Zinchenko kaas oo ay kooxdu ka walaacsantahay tayadiisa.
Be the first to comment