XASAASI: Wakhtiga Ay Man United Shaqada Ka Caydhinayso Tababare Ten Hag Oo La Sheegay

Rio Ferdinand ayaa aaminsan in Erik ten Hag laga ceyrin doono Manchester United xitaa hadii uu ku hogaamiyo ku guuleysiga FA Cupka ee aan la fileynin dhamaadka bishaan.

United ayaa soo afjartay xilli ciyaareedkeeda Premier League markii ay 2-0 kaga badisay Brighton, laakiin cadaadiska ayaa weli saaran Ten Hag ka dib xilli ciyaareed adag.

Iyadoo laga badiyay 19 kulan tartamada oo dhan, Red Devils ayaa ku dhameysatay kaalinta 8aad, waxaana lagu wadaa inay seegaan kubada cagta Yurub markii ugu horeysay tan iyo 2015 ilaa ay ka badiso kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City finalka FA Cup isbuuca soo socda.

Ferdinand ayaan ku qanacsanayn in tababaraha reer Holland sii ayaan doono tababaraha kooxda xilli ciyaareedka dambe.

“Mar kasta Oo aan ka fikiro haku guulaysto ama ayuuna ku guulaysan, uma malaynayo in uu Ten Hag sii ahaan doono tababaraha kooxda Man United xilli ciyaareedka dambe”ayuu yidhi.

“Ma dhahayo taasi waa waxa aan doonayo, kaliya waxa aan sheegayaa waxa aan aaminsanahay in ay dhici doonaan, waxaana aaminsanahay in kooxdu Tababare kale raadsan Doonto”.

“Uma maleynayo in [ku guuleysiga FA Cup-ka] ay wax ka bedeleyso indhaha INEOS. Qofna halkaas kalama hadlin, tani waa malo, tani waa waxa aan u malaynayo”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga