Man United ayaa iska xaadirisay Semi-final-ka FA Cup-ka kadib markii ay garaaceen Liverpool kulan ka dhacay Old Trafford.
Kulanka ayaa ahaa mid xiiso iyo xamaasad leh iyada oo labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.
Man United ayaa daqiiqadii 10-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Scot McTominay kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Liverpool ayaa isku dayday in ay ciyaarta ku soo laabato waxana ay samaynaysay fursado aan kala joogsi lahayn.
Daqiiqadii 44-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alexis McAllister kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 45+3-aad dhalisay goolka 2-aad ciyaarta Man United waxana u dhaliyay Mohamed Salah.
Qaybta dambe ayay Liverpool sii waday maamulista ciyaarta iyaga oo wax walba gacanta ku hayay xilli ay United sugayso fursadeeda.
Daqiiqadii 87-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Antony kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Waxa la isla aaday wakhtiga dheeriga ahaa ee ciyaarta si ay labada kooxood u kala baxaan.
Harvey Elliott ayaa daqiiqadii 105-aad dhaliyay goolka 3-aad ee Liverpool isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/2.
Laakiin United ayaa soo laabatay daqiiqadii 112-aad waxana goolka bar-baraha u dhaliyay xiddiga Rashford kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/3.
Man United ayaa daqiiqadii 120+1-aad dhalisay goolka guusha waxana u dhaliyay xiddiga Amad Diallo kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/4.
Be the first to comment