Xulka France Oo Garaacay Xulka Sweden Iskana Xaadiriyay Wareega 16 Koobka Adduunka.

Xulka qaranka Faransiiska ayaa u soo baxay wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka 2026, kadib markii ay 3-0 kaga adkaadeen xulka Sweden kulankii wareegga 32-ka, kaas oo lagu ciyaaray garoonka New York/New Jersey.

Kulanka waxaa si buuxda u maamulayay xulka Faransiiska, halka Sweden ay ku adkaatay inay la jaanqaaddo awoodda iyo weerarrada “Diiqa Faransiiska”. Sweden waxay ku tiirsaneyd difaac nidaamsan iyo weerarro rogaalcelis ah, balse ma aysan noqon kuwo mira dhal ah.

Kylian Mbappé ayaa kubadda shabaqa geliyay daqiiqaddii 20-aad, balse goolkaas waxaa loo diiday offsayd. Intii ka horreysay dhammaadka qeybta hore, Mbappé iyo Michael Olise ayaa min hal kubbad ku dhuftay birta goolka daqiiqadihii 32-aad iyo 36-aad.

Mbappé ayaa ugu dambeyn hoggaanka u dhiibay Faransiiska daqiiqaddii 45-aad, kaddib caawin uu ka helay Ousmane Dembélé.

Qeybtii labaad, Bradley Barcola ayaa dhaliyay goolka labaad ee Faransiiska daqiiqaddii 53-aad, isaga oo caawin ka helay Michael Olise.

Kylian Mbappé ayaa markale shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 74-aad, isagoo dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta iyo kii saddexaad ee Faransiiska, waxaana markale caawinta bixiyay Michael Olise.

Xulka qaranka Faransiiska ayaa hadda wajihi doona Paraguay wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka, kulankaas oo la ciyaari doono Axadda soo socota, 5-ta Luulyo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga