Xulka England OO Loo Sheegay In Ayna Ku Guulaysan Karin Koobka Adduunka La’aanta Halkan Xiddig.

Scott Parker ayaa meesha ka saaray doodaha sheegaya in tababaraha England, Thomas Tuchel, uu kursiga keydka fariisiyo Declan Rice, isagoo ku adkeystay in xiddiga khadka dhexe ee Arsenal uu yahay ciyaaryahan lama huraan u ah rajada England ee ku guuleysiga Koobka Adduunka.

Rice, oo Arsenal ka caawiyay inay ku guuleysato horyaalka Premier League isla markaana gaarto finalka Champions League xilli ciyaareedkii hore, laguma soo darin kulankii ugu dambeeyay ee heerka Group-yada ee England ay la ciyaartay Panama.

Sababtu waxay qayb ahaan ahayd dhaawac dhabarka ah oo uu muddo bilo ah la tacaalayay. Sidoo kale wuxuu halis ugu jiray ganaax hal kulan ah, maadaama uu kaarka jaallaha qaatay kulankii barbaraha ay la galeen Ghana.

Waxaa jiray dood sheegaysay in England aysan u baahnayn inay isla ciyaarsiiso Declan Rice iyo Elliot Anderson kulanka wareegga 32-ka ee ay Arbacada la ciyaarayaan DR Congo, maadaama la filayo in England ay inta badan kubadda maamusho oo ay weerarka hoggaamiso.

Halyeeyga Manchester United, Paul Scholes, ayaa sheegay inuu Rice kursiga keydka fariisin lahaa, isagoo Elliot Anderson u dooran lahaa inuu noqdo khadka dhexe ee difaaca kali ah.

Laakiin Scott Parker, oo hore uga tirsanaa khadka dhexe ee England, ayaa sheegay inuu mar walba soo xulan lahaa Rice, isagoo ku tilmaamay “ciyaaryahan uu tababare kasta ku hamiyo” isla markaana ka mid ah “tiirarka uu Thomas Tuchel ku dhisay kooxdiisa.”

Parker ayaa u sheegay wargeyska The Telegraph:

“Markaan ka fikiro rajada England ee ku guuleysiga Koobka Adduunka, afar erey ayaa maskaxdayda ku soo dhacaya: Waxaan u baahanahay Declan Rice.”

Wuxuu sii raaciyay:

“Tan iyo guushii England ay ka gaartay Panama, waxaa jiray dood ku saabsan in Declan la siiyo nasasho dheeraad ah oo laga reebo kulanka DR Congo”

“Waa la fahmi karaa walaaca laga qabo caafimaadkiisa maadaama uu la tacaalayo dhaawac muruqa bowdada ah, laakiin Declan waa ciyaaryahan muhiim ah”

“Haddii England ay doonayso inay meel fog ka gaarto tartankan, Rice waa mid ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee Thomas Tuchel ku tiirsan yahay. Waa ciyaaryahan uu tababare kasta ku riyoodo. Wax kasta oo aad ka codsato wuu qabanayaa.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga