Xulka England Oo Garaacay Xulka Slovakia Iskana Xaadiriyay wareega 8 dhamaadka euro 2024.

Xulka England ayaa guul cidhiidhi ah ka gaadhay xulka Slovakia kulan ka tirsanaa wareega 16-ka euro 2024.

Xulka England ayaa maamulayay ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa xulka Slovakia laakiin waxa ay ku dhibaatoonayeen in ay gool u badalaan fursadaha ay helayeen.

Xulka Slovakia ayaa ciyaarayay weeraro rogaal celis ah iyaga oo ku halis badnaa weerarada dhinaca rogaal celiska ah.

Daqiiqadii 25-aad ayuu xulka Slovakia dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay Ivan Schranz kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Xulka England ayaa wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha laakiin uma suurtagalin ay dhaliyaan gool.

Xulka England ayaa dhaliyay gool uu u dhaliyay Foden laakiin goolka ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.

Xulka England ayaan niyad jabin waxana ay sii wadeen dadaalka.

Daqiiqadii 90+5-aad ayuu xulka England dhaliyay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga J. Bellingham.

Ciyaarta ayaa sidaas ku dhamaatay 90-kii daqiiqo waxana la Isla aaday wakhti dheeri ah.

Xulka England ayaa sii waday dadaalka iyada dhiirigalin ka helay bar-baraha.

Daqiiqadii 91-aad ayuu xulka England dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga H. Kane kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga