Xiddig U Ciyaara Liverpool Oo Doonaya In Uu Ku Biiro Barcelona.

Xiddiga garabka weeraka uga ciyaara Liverpool ee Luis Diaz ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Liverpool kuna biiro Barcelona.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib xilli ciyaareedkan waxana uu muhiim u yahay kooxda Klopp.

Sida laga soo xigtay wargaydka El Mundo ayaa sheegaya in uu Diaz doonayo in uu ku biiro Barcelona.

Ma ahan markii ugu horaysay ee Diaz lala xidhiidhinayo Barcelona iyada oo xiddiga horay loola xidhiidhinayay xiddiga.

Kooxda Barcelona ayaa dhinaceeda xiiso u qabta saxiixa xiddiga reer Colombia.

 

1 Comment

Dhiibo Fikirkaaga