Xiddig Liverpool U Ciyaara: Dookha 1-aad Ayaan Rabaa Waanan Ka Tagi Karaa Liverpool

Caoimhin Kelleher ayaa qirtay inuu ka dhaqaaqi karo Liverpool xagaagan.

Goolhayaha Jamhuuriyadda Ireland ayaa ahaa dookha 2-aad ee Liverpool laakiin waxa uu qaab ciyaareed cajiib ah Soo bandhigay Marka uu Alisson dhaawac kaga Maqanaa kooxda.

Kelleher ayaa sheegay in uu doonayo in uu ku Biiro Koox uu si joogto ah Ugu Ciyaari karo.

Kelleher ayaa u sheegay Athletic: “Waqti cajiib ah ayaan ku soo qaatay Liverpool, waana jeclahay, waxaan jeclahay kooxda, taageerayaasha, waxaana xiriir wanaagsan la leeyahay ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka.”

25-jirka ayaa dareensan inuu qaado tillaabada xigta ee xirfaddiisa, waana uu garanayaa waxa tallaabadaas ay xambaarsan tahay.

“Ma garanayo in ay noqon doonto Liverpool ama meel kale, laakiin waxaan dareemayaa in talaabada xigta ay tahay in aan noqdo dookha koowaad” ayuu hadalkiisa raaciyay Kelleher.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga