XASAASI: Xiddig U Ciyaara Liverpool Oo Loo Soo Bandhigay Real Madrid & Jawaabta Ay Los Blancos Ka Bixisay

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay iska diiday fursad ay kula soo saxiixan lahayd kabtanka Liverpool ee Virgil van Dijk.

Los Blancos ayaa si weyn loola xiriirinayey Trent Alexander-Arnold, iyagoo u aqoonsaday daafaca dambeedka midig ee Liverpool mid ka mid ah bartilmaameedyada ugu sarreeya ee 2025.

Real Madrid ayaa haatanba ku fashilantay dalabkoodii ugu horeeyay ee xiddiga reer England.

Kooxda heysata champions League ayaa u baahan in ay go’aamiso in ay dalab 2-aad kula soo laabato Alexander-Arnold marka uu qandaraaskiisu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Alexander-Arnold waa mid ka mid ah seddexda xiddig ee Liverpool uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga, waxaana kula jira Van Dijk iyo Mohamed Salah.

Sida laga soo xigtay Relevo, Real Madrid ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karaan saaxiibkii Alexander-Arnold, Van Dijk, dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wakiilada Van Dijk ayaa la sheegay in ay xiriir la sameeyeen Real Madrid si ay ugu soo bandhigaan saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa iska diiday fursad ay kula saxiixan lahayd xiddiga 33 jirka ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga