XASAASI: Mikel Arteta Oo La Ogaaday Wakhtiga Uu Isaga Tagayo Arsenal Iyo Barcelona Oo Sabab U Ah.

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa ‘ka fikiraya inuu ka tago kooxda Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli lala xidhiidhinayo kooxda Barcelona.

Arteta ayaa ku jira liiska musharaxiinta Barcelona ee u sharaxan badalka Xavi ka dib markii la xaqiijiyay inuu ka tagi doono doorkiisa macalinimo xagaaga.

Barcelona ayaa taageere u ahayd Arteta sanadihii ugu dambeeyay Iyadoo tababaraha Arsenal lala xiriiriyay shaqada ka dib markii kooxda Catalan ay ceyrisay Ronald Koeman bishii October 2021.

Sida laga soo xigtay wargayska Sport, Barcelona ayaa nasiib yeelan karta marka 2-aad iyada oo Arteta haatanba u sheegay dadka ku dhaw in uu isaga tagi doono Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Arteta ayaa Arsenal kula jira heshiis ilaa sanadka 2025 ah laakiin waxa la rumaysan yahay in xidhiidhka fiican ee uu la leeyhaay maamulka kooxda ay maamulka kooxda u ogolaan doonaan in uu boxo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga