
Gabriel Martinelli ayaa dhaawac muruqa ah ka soo gaaray Arsenal kulankii Newcastle ee Carabao Cup, waxaana uu haatan garoomada ka maqnaan doonaa muddo.
Isaga oo ciyaarta baxay daqiiqadii 37-aad, Martinelli ayaa laga shakisanaa in uu ku baxay dhaawac muruqa ah.
David Ornstein ayaa xaqiijiyay dhaawacan, isagoo shaaca ka qaaday in ciyaaryahanka reer Brazil uu haatan garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah.
Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah Arsenal oo haatanba ay ka maqan yihiin tiro weeraryahano ah sabab la xidhiidha dhaawac.
Kadib xaqiijinta dhaawaca, Martineli ayaa haatan seegi doona 7 kulan oo taramada oo dhan ah.
Halkan Kaga Bogo kulamada uu Martinelli maqnaan doono:
Leicester (A)
West Ham (H)
Nottingham Forest (A)
Champions League RO16 (A)
Manchester United (A)
Champions League RO16 (H)
Chelsea (H)
Be the first to comment