Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Guushii Nus-Darsinka Ahayd Ee Ay Arsenal Ka Gaadhay sheffield United.

Kooxda Arsenal ayaa xasuuq kula kacday kooxda sheffield United kulan ka tirsanaa horyaalka premier Legaue.

Arsenal ayaa 6/0 ku garaacday kooxda sheffield United kulan ay marti u ahayd kana tirsana horyaalka premier League.

Hadaba halkan kaga bogo xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka.

1.Bukayo Saka ayaa haatan 50 caawin u sameeyay Arsenal tartamada oo dhan isaga oo noqday kaliya xiddigii 6-aad ee Premier League ee diiwaangaliya ugu yaraan 50 gool (54) iyo 50 caawin tan iyo November 2018 kadib Mohamed Salah, Son Heung-min, Bruno Fernandes, Riyad Mahrez iyo Kevin De Bruyne.

2.Arsenal ayaa ah kooxdii labaad ee taariikhda horyaalka heerka kowaad ka dhalisay 5+ gool saddexdii kulan ee isku xigta ee horyaalka ee ay martida ahaayeen ka dib Burnley bishii September 1961, halka ay tahay kooxdii ugu horaysay ee horyaalka Ingiriiska ee saddex kulan oo xidhiidh ah ku badisa meel ka baxsan 5+ gool.

3.Goolkii uu dhaliyay Kai Havertz ayaa ahaa goolkii 150,000-aad ee laga dhaliyo taariikhda horyaalka heerka kowaad ee Ingiriiska.

4.Arsenal ayaa haatan dhalisay 300 oo gool oo Premier League ah intii uu hogaaminayay Mikel Arteta waana kulankiisii ​​161-aad ee uu hogaamiyo -Macallimaadka kaliya ee tiradaas gaaray kulamo yar oo tartankan ah kadib Pep Guardiola (120), Jürgen Klopp (142) iyo Manuel Pellegrini (149) ).

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga