Waxwalba Oo Aad Uga Baahantahay Semi-final Koobka Adduunka.

Koobka Adduunka 2026 ayaa gaaray marxaladdii afar dhammaadka (Semi-final), waxaana tartanka ku haray afar ka mid ah xulalka ugu awoodda badan dunida: France, Spain, England iyo Argentina. Dhammaan xulalkan ayaa kasoo gudbay 8 dhamaadka kadib bandhigyo xooggan, waxaana hadda u harsan hal tallaabo oo keliya si ay u gaaraan final-ka.

Kulanka ugu horreeya ee semi-final-ka wuxuu dhex mari doonaa France iyo Spain maalinta 14-ka July . France ayaa u soo gudubtay wareeggan kadib markii ay 2-0 ku reebtay Morocco, halka Spain ay 2-1 kaga adkaatay Belgium, taasoo ballanqaadaysa kulan ay ku loollamayaan laba xul oo Yurub ah.

Semi-final-ka labaad ayaa noqon doona kulan si weyn loo wada sugayo oo u dhexeeya England iyo Argentina maalinta 15-ka July . England ayaa 2-1 ku reebtay Norway, halka Argentina ay 3-1 kaga adkaatay Switzerland, iyagoo xaqiijiyay inay sii wadaan hamigooda hanashada koobka.

Indhaha taageerayaasha kubadda cagta ayaa si gaar ah ugu jeeda Lionel Messi, kaas oo doonaya inuu Argentina gaarsiiyo final kale oo Koobka Adduunka ah. Dhinaca kale, Jude Bellingham ayaa hoggaaminaya England, halka Spain ay ku tiirsan tahay qaab ciyaareedkeeda isku-dhafka ah, France-na ay sii waddo awooddeedii tartankan.

Labada xul ee guuleysta semi-final-ka waxay ku kulmi doonaan final-ka 19-ka July , halka labada laga badiyana ay u ciyaari doonaan kulanka kaalinta saddexaad.

Tartanku wuxuu marayaa marxaladdii ugu xiisaha badnayd, iyadoo taageerayaashu sugayaan cidda kor u qaadi doonta koobka adduunka ee 2026.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga