WARBIXIN: Xulalka Tirada Ugu Badan Ku Guulaystay Koobka Copa America Oo La Soo Saaray.

waxa la isku diyaarinayaa tartanka Copa America oo la qaban doono xagaaga sanadka 2024.

Kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay ku dagaalamaan ku guulaysiga koobka sanadkan.

Xulalka ka qayb galaya ayaa isha ku haya in ay kor u qaadaan koobka sanadkan.

Waxa jira xulal caado ka dhigtay ku guulaysiga tartanka iyaga oo ku guulaystay koobka in ka badan xulalka kale.

Xulalka Uruguay iyo Argentine ayaa ah xulalka ugu guulaysiga badan koobka Copa America taariikhda tartanka.

Labada xul ee Uruguay iyo Argentine ayaa ku guulaystay koobka Copa America min 15 jeer taariikhda tartanka.

Xulka Brazil ee tunka weyn ayaa ku jira kaalinta 2-aad iyaga oo ku guulaystay 9 jeer tartanka.

Xulalka Chile, Paraguay, Peru ayaa tartanka ku guulaystay min 2 jeer halka xulalka Bolivia iyo Colombia ay tartanka ku guulaysteen min hal jeer.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga