Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ah xiddiga kaliya ee haatan ku jira premier League kana soo muuqday 10-ka xiddig ku lugta leh goolasha ugu badan taariikhda premier League.
Horyaalka premier League waxa ka soo ciyaaray xiddigo badan oo taariikh ah kuwaas oo sanado badan wacdaro ka dhigay.
Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee ugu caawinta iyo goolasha badan taariikhda premier League.
1.Alan Shearer – 324 (260 Gool, 64 Caawin)
Shearer ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan taariikhda premier League sidoo kale xiddiga ayaa ah xiddiga ku lugta leh goolasha ugu badan isaga oo dhaliyay 260 gool halka uu caawiye ka noqday 64.
2.Wayne Rooney – 311 (208 Gool, 103 Caawin):
Kaliya Kane iyo Alan Shearer ayaa dhaliyay goolal badan. Keliya Cesc Fabregas iyo Giggs ayaa diiwaan-gashaday caawin ka badan Rooney.
3.Frank Lampard – 279 (177 Gool, 102 Caawin):
Ninka ugu goolasha badan iyo caawinta ugu badan taariikhda Chelsea.
4.Ryan Giggs – 271 (109 Gool, 162 Caawin):
Waa mid ka mid ah 3-da xiddig ee caawiyay 100 gool sidoo kale dhaliyay 100 kale Giggs ayaa ah xiddiga haysta rikoodhka 162 caawin iyo waliba 109 gool.
5.Andrew Cole – 260 (187 Gool, 73 Caawin)
6.Harry Kane – 259 (213 Gool, 46 Caawin)
7.Thierry Henry – 249 (175 Gool, 74 Caawin)
8.Mohamed Salah – 242 (168 Gool, 75 Caawin)
9.Sergio Aguero – 231 (184 Gool, 47 Caawin)
10.Teddy Sheringham – 222 (146 Gool, 76 Caawin)
Be the first to comment