WARBIXIN: Xaqiiqooyin Cajiib Ah Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka El-Clasico Ee Caawa.

Waji kale oo taariikhda El Clasico ah ayay qori doonaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona marka ay caawa isaga hor iman doonaan kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Ciyaar cusub oo El Clasico ah ayaa la filayaa inay dhexmarto Barça iyo Real Madrid, taasoo micno weyn ugu fadhida labada kooxood.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay baajiso rajada ku guulaysiga Real Madrid ee horyaalka halka ay Los Blancos doonayso in ay Tallaabo u qaado saxiixa horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Classico ugu horeysay ee taariikhda:

Hadii aan dib ugu laabto boggaga taariikhda kulanka, waxaa kulankii ugu horeeyay ee Clásico dhex maray kooxaha Real Madrid iyo Barcelona 13-kii March 1902. Ciyaartan ayaa ahayd semi-finalka koobkii ugu horeeyay, waxaana guushu raacday Barcelona waxana ay ku badisay 3/1 iyadoo ay joogaan 1,500 taageere oo ku sugan tarabuunka garoonka Campo de Hippodromo.

Guushii ugu waynayd ee El Clasico:

Guusha ay ku badisay sideed gool iyo labo ayaa aheyd guushii ugu weyneyd ee ay Real Madrid ka gaarto El Clásico ee horyaalka La Liga ay ka gaarto Barcelona, ​​waxayna taasi dhacday xilli ciyaareedkii 34-35, iyadoo dhanka Barcelona ay 5-0 ku badisay Blaugrana xilli ciyaareedkii 73-74. , balse guuldaradii ugu xanuunka badneyd ee Real Madrid kasoo gaarta El Clásico waxa ay aheyd mid dhacday xilli ciyaareedkii 2008-2009, ciyaarta ayaana ku dhamaatay 6-2 ay ku badiyeen Barcelona.

Markaynu dib ugu laabano bishii June 1943-kii, markaas oo Clasico lagu badin jiray natiijada labada kulan, kulanku waxa uu ahaa lugta 2-aad ee Semi-final-ka Koobka iyada oo Barcelona ku badisay 3/0 halka ay kooxda Real Madrid ku badisay 11/1 guud ahaan natiijada.

Real Madrid ayaa jabisay rikoorka halka Messi uu yahay kan ugu sarreeya:

Real Madrid ayaa jabisay lambarka 300-aad, waxayna noqotay kooxdii ugu horreysay ee gaarto goolkii 300-aad ee taariikhda El Clásico, ciyaartii labada kooxood ku dhexmartay Montjuic bishii October ee la soo dhaafay, halkaasoo Merengue ay gaartay 301-gool, halka Barcelona ay leedahay 299-gool.

Lionel Messi ayaa ah gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda El Clásico isagoo dhaliyay 26 gool, isagoo 8 gool ka horeeya labada ciyaaryahan ee Cristiano Ronaldo iyo Alfredo Di Stefano, halka Vinicius Junior uu yahay gooldhaliyaha ugu sarreeya ciyaartoyda hadda ee labada kooxood oo leh 6 gool.

Rikoodhka El-Clasico ee garoonka Bernabue:

Kulanka El Clasico ee Axadda ayaa noqon doona kii 102-aad ee ka dhaca Bernabéu tartamada oo dhan, 101-kii kulan ee hore ee Clasico, Real Madrid ayaa badisay 51 jeer, 28 jeer waa laga badiyay, 22 jeerna barbaro, iyadoo la og yahay inuu yahay garoonkii lagu arkay tirada ugu badan ee Clasico.

Kadib guushii 1/0 ahayd ay ka gaadhay Barcelona, Real Madrid ayaa isha ku haysa laba guul oo xidhiidh ah markii 3-aad ee qarniga 21, Real Madrid ayaa garaacday Barcelona labada kulan xilli ciyaareedyadii 2007/2008, 2020/2021.

Xiddigaha labada maaliyadood soo xidhay kulanka El-Clasico:

Inkasta oo uu xifaaltan adagi ka dhexeeyo Real Madrid iyo Barcelona, ​​haddana waxa jira ciyaartoy soo wada xidhay maaliyada labada kooxood kulanka El-Clasico waxana ka mid ah Luis Figo, Ronaldo Nazario, Luis Enrique, Michael Laudrup, iyo Samuel Eto’o

Messi, Ronaldo iyo El Clasico Korona:

El-Clasico ayaa caan ku ahayd xafiiltankii ugu adkaa  ee taariikhda soo mara, kaas oo dhex maray Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, waxaana cutubkeedii ugu dambeeyay uu ahaa May 6, 2018, kulankaas oo ku dhammaaday barbardhac labada kooxood ah, waxaana ka buuxay dacwado gar-qaad ah oo muran badan dhaliyey. .

Mudadii Messi iyo Ronaldo waxa la ciyaaray 18 kulan oo Clásico ah oo La Liga ah, laba kulan oo Champions League ah, 5 koob oo Spanish ah, 5 Spanish Super Cup ah, iyo 3 ciyaar saaxiibtinimo intii ay socdeen ciyaarahan Messi iyo Ronaldo ayaa dhaliyay 23 gool.

Xaalado caafimaad oo dunida ka jira awgeed, El Clasico ayaa la qabtay taageerayaal la’aan waxaana tani ay sabab u tahay faafitaanka fayraska Korona garoonka Camp Nou ayaa ahaa mid faaruq ah 24 October 2020 waxana badiyay Real Madrid oo ku badisay 3/1.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga