WARBIXIN: Kulamada U Dhiman Liverpool, Man City & Arsenal, Kooxdee Ugu Kulamo Fudud?

Liverpool ayaa tartan adag kala kulmaysa kooxaha Man City iyo Arsenal xilli tartanka horyaalka premier League xilli ciyaareedka 2023/24 uu marayo heerkii ugu dambeeyay.

Dhammaan saddexda kooxood ayaa hadda haysta 11 kulan oo kale oo ay ciyaaraan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan iyadoo Reds ay hadda hal dhibic ka sarayso Cityzens halka ay laba dhibcood ka sarayso Gunners.

Iyadoo loollanka loogu jiro hanashada horyaalka uu sii xoogeysanayo, Sky Sports ayaa sameysay sawir ay isku bar-bar dhigayso 11-ka kulan ee u hadhay 3-da kooxood.

Liverpool ayaa haysata kulamo adag oo ay ugu horeeyaan kulamada ay la ciyaari doonto kooxaha Man City Man United, Tottenham Hotspur iyo Aston Villa.

Dhanka kale, Man City ayaa lafteeda kulamo adag u hadhsanyihiin iyaga oo la ciyaari doona kooxaha Liverpool, Arsenal iyo Aston Villa

Arsenal ayaa u safri doonta Old Trafford si ay ula ciyaarto Man United halka ay sidoo kale la ciyaari doonto kooxaha Man City iyo Tottenham.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga