WARBIXIN: 7 Tababare Oo U Sharaxan In Ay Qabtaan Shaqada Chelsea.

Chelsea ayaa baadi goob ugu jirta tababare kale oo cusub kadib markii ay go’aansatay inay iska fasaxdo Mauricio Pochettino.

Pochettino ayaa xagaagii hore u saxiixay heshiis labo sano ah laakiin waxa uu ka tagay hal xilli ciyaareed oo uu tababare u ahaa Stamford Bridge.

Go’aanka ayaa ku Soo beegmay iyada Oo ay tababaraha reer Argentine kooxda ka caawiyay in ay si fiican ku dhamaysato xilli ciyaareedka.

Ka dib markii uu xilli ciyaareedku ku dhameystay 2-1 ay kaga badiyeen Bournemouth Axadii, Pochettino ayaa la kulmay milkiilaha Behdad Eghbali iyo agaasimayaasha isboortiga Paul Winstanley iyo Laurence Stewart. Waxaa si wada jir ah loogu heshiiyey in ay ku kala tagaan labada dhinaca.

Waxaa hadda la baadi goobayaa tababare kale, iyadoo Pochettino uu raacay Graham Potter iyo Frank Lampard oo ku guuldareystay inay buuxiyaan dalabaadka milkiilayaasha Todd Boehly iyo Eghbali.

Tababarayaasha haatan ku jira liiska Chelsea waxa ka mid ah tababaraha kooxda Stuttgart Sebastian Hoeness, tababaraha Girona ee Michel, tababaraha Ipswich ee Kieran McKenna iyo tababaraha Enzo Maresca ee Kooxda Leicester city.

Sidoo kale tababaraha Brentford ee Thomas Frank iyo tababarihii hore ee kooxda Chelsea Thomas Tuchel ayaa ka mid ah tababarayaashaa qiimaynayo xaaladooda.

Tababarihii hore ee Brighton Roberto Dizerbi ayaa sidoo kale ka mid ah tababarayaashaa saaran miiska maamulka Chelsea.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga