Waali: Ciyaartoyo Aan Wali Hal Daqiiqo Ciyaarin Koobka Adduunka.

Inkastoo Koobka Adduunka 2026 uu marayo marxaladihii ugu dambeeyay, haddana waxaa weli jira ciyaartoy caan ah oo aan hal daqiiqo ciyaarin.

Xiddigahaas Waxaa ka mid ah Kobbie Mainoo, N’Golo Kanté, Victor Muñoz, David Raya iyo Martín Zubimendi, kuwaas oo dhammaantood weli sugaya fursaddii ugu horreysay ee ay garoonka kaga soo muuqan lahaayeen.

Xulka England, Kobbie Mainoo ayaa wali kursiga keydka ku jira inkastoo uu yahay mid ka mid ah da’yarta ugu hibada badan kubadda cagta.

Tababare Thomas Tuchel ayaa ilaa hadda doorbiday ciyaartoy kale oo khadka dhexe ah, taasoo keentay in Mainoo uusan wali helin wax daqiiqado ah tartankan.

Dhinaca France, khabiirka khadka dhexe ee N’Golo Kanté isna wali lama adeegsan. Inkastoo uu leeyahay khibrad ballaaran iyo sumcad weyn, tababaraha France ayaa ku tiirsanaa ciyaartoy kale, taasoo sababtay in Kanté uu sugo fursaddiisii ugu horreysay.

Spain ayaa sidoo kale leh saddex ciyaaryahan oo aan wali ciyaarin, kuwaas oo kala ah Victor Muñoz, goolhaye David Raya iyo Martín Zubimendi. Iyadoo Spain ay gaartay afar dhammaadka tartanka, haddana saddexdan ciyaaryahan wali waxay sugayaan in tababare Luis de la Fuente uu siiyo daqiiqado ay isku muujiyaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga