Ciyaaryahankii hore ee Chelsea, John Obi Mikel, ayaa sheegay in haddii Arsenal ku guuldarreysato inay ku guuleysato Premier League xilli ciyaareedkan, ay taasi noqon doonto “khasaarihii ugu weynaa” taariikhda kooxdaas.
Mikel wuxuu arrintan ka sheegay isagoo uga digaya Arsenal inay lumiyaan Horyaalka.
Kabtankii hore ee xulka Nigeria (Super Eagles) ayaa ka hadlay podcast-kiisa “Obi One” kadib markii Arsenal ay wajahday dhabar-jab weyn tartanka horyaalka, gaar ahaan kadib dhacdooyinkii toddobaadkan ee ay ku lug lahaayeen Manchester City.
Waxaa la xusuustaa in Arsenal ay guuldaro 2-1 Ka Kulantay Bournemouth halka Manchester City ay 3-0 ku garaacday Chelsea, taasoo hoos u dhigtay farqigii hoggaanka Arsenal ilaa 6 dhibcood.
Mikel ayaa yiri:
“Ciyaartoyda Arsenal waa inay fahmaan in tani ay tahay fursaddooda ugu weyn. Haddii aysan ku guuleysan (Premier League) xilli ciyaareedkan, waxay noqon doontaa masiibadii ugu weynayd taariikhda horyaalka ee iyaga.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Waxay noqon doontaa khasaare weyn, sababtoo ah haddii ay guuleysan lahaayeen kulankii Bournemouth, farqigu wuxuu noqon lahaa 12 dhibcood”
“Laakiin waxay hoos u dhigeen dadaalkooda dhammaadkii toddobaadka, Manchester City-na si degdeg ah ayay ugu soo laabatay, haddana farqigu waa 6 dhibcood.”
Be the first to comment