Van Dijk Oo Shaki Galiyay Mustaqbalkiisa Liverpool Kadib Go’aankii Klopp

Virgil van Dijk ayaa shaki galiyay mustaqbalkiisa Liverpool kadib markii uu qirtay in uuna hubin in uu qayb ka noqon doono wixii ka danbeeyay xilli ciyaareedkan kadib markii uu klopp Xaqiijisay in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kabtanka Liverpool ayaa ka hadlay go’aankii uu Klopp ku shaaciyay in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kadib go’aanka klopp Van dijk Ayaa wax Laga waydiiyay hadii uu sii joogi doono kooxda wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Van dijk Ayaa la waydiiyay in uu ka qayb ayaan doono kooxda Liverpool mustaqbalka waxana uu yidhi”Taasi waa su’aal weyn, ma garan karo taas”.

“Kooxda waxa hor yaala shaqo adag waan sugi doonaa sida ay wax u dhacaan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga