van Dijk, Casemiro, Isak, Olmo, Mainoo Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January iyada oo kooxo badan doonayaan saxiixyo usub.

Kooxaha kala duwan ee reer yurub ayaa u dadaali doona sidii ay xiddigo cusub ugu soo dari lahaayeen kooxdooda.

Xiddigo badan ayaa isku badali doona kooxaha iyaga oo doonaya in ay helaan boosas joogta ah oo ay ka ciyaaraan.

Hadaba halkan kaga bogo wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Manchester United ayaa xiiseyneysa saxiixa weeraryahanka qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Brentford Bryan Mbeumo, waxaana ay dooneysaa inay bixiso €50m si heshiiska loo dhameeyo (Fichajes).

Liverpool ayaan wax niyad ah u hayn in ay Federico Chiesa amaah ku siiso Napoli inkasta oo ay jiraan warar la isla dhexmarayo (Scores365).

Reds ayaa qorsheynaysa inay u dhaqaaqdo garabka Feyenoord Anis Hadj Moussa, kaasoo kaliya ku biiray kooxda ka dhisan Eredivisie xagaagii ka dib bixitaankii Arne Slot (Football Insider).

Arsenal ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato Jude Bellingham walaalkiis, Jobe, iyadoo da’yarka uu wacdaro ka dhigay qeybtii hore ee xilli ciyaareedka Sunderland (Football Transfers).

Barcelona ayaa si dhab ah uga fikiraysa inay u dhaqaaqdo kabtanka Tottenham ee Son Heung-min, kaasoo qandaraaskiisu dhici doono xagaaga (El Nacional).

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay kula tartanto Man City iyo Newcastle United saxiixa daafaca Lens Abdukodir Khusanov. (Santi Aouna).

Christopher Nkunku, oo awoodi waayay inuu boos joogto ah ka helo Chelsea, ayaa bartilmaameed u ah Atletico Madrid iyo Bayern Munich (TBR Football).

PSG ayaa sidoo kale xiiseyneysa inay dib ula soo saxiixato Nkunku – xiddiga reer France ayaa ka tagay kooxda heysata horyaalka Ligue 1 2019 si uu ugu biiro RB Leipzig (Ben Jacobs).

Kooxda chelsea ayaa hogaaminaysa taranka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Kobbie Mainoo (Mail).

Manchester City ayaa ugu fiican inay la soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Dani Olmo sababtoo ah xiriirka Pep Guardiola iyo kooxda Catalan (Football Insider).

Bayern Munich ayaa haatanba heshiis la meel dhigtay xiddiga Dani Olmo hadii ay Barcelona ku fashilanto in ay diwaan galiso xiddiga (El Nacional).

Chelsea iyo Arsenal ayaa ah labada kooxood ee awooda inay la soo wareegaan weeraryahanka Newcastle Alexander Isak oo lagu qiimeeyo 150 milyan (Football Insider).

Barcelona ayaa doonaysa in ay iska iibiso daafaceeda bidix Alejandro Balde hadii ay dalab ka hesho lacag dhan 55 milyan oo euro (El Nacional).

Bayern Munich ayaa xiiseyneysa saxiixa Viktor Gyokeres oo ka tirsan Sporting CP, kaasoo ku jira liiska musharaxiinta Barcelona, ​​Man Utd iyo Man City (Star).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Douglas Luiz, kaasoo kaliya kooxda ku soo biiray xagaagii, kana yimid Aston Villa, ayaa diirada u saaran labo kooxood oo Premier League ah oo aan la magacaabin (Sky Sports).

Matheus Cunha oo diirada u saaran labada kooxood ee Arsenal iyo Man Utd ayaan wali go’aansan in uu qandaraaska u kordhin doono kooxda Wolves (Sky Sports).

Real Madrid ayaa iska diiday fursad ay kula saxiixan lahayd daafaca dhexe ee Liverpool ee Virgil van Dijk (Relevo).

Kooxaha sucuudiga ayaa doonaya in ay helaan saxiixa xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Man United ee Casemiro (Telegraph).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga