Thierry Henry Oo Tilmaamay Kulanka Go’aamin Doona Fursadaha Arsenal Ee Horyaalka Premier League.

Thierry Henry ayaa sheegay in 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ay Arsenal ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda ay go’aamin doonto hadii ay ku guulaysato horyaalka Premier league iyo hadii kale.

Ka dib 25 kulan, Arsenal ayaa fadhisa kaalinta seddexaad ee kala sareynta horyaalka, iyadoo labo dhibcood oo kaliya ka hooseysa kooxda hogaanka heysa ee Liverpool, halka Manchester City ay hal dhibic ka hooseyso ka dib markii ay garaacday Brentford habeenkii Salaasadii.

In kasta oo aanay ahayn kooxda ugu cad-cad horyaalka sidii markii hore haddana waxa jirta rajo ah in Gunners ay ku guulaysato horyaalkeedii ugu horreeyay muddo 20 sano ah, gaar ahaan hadda oo ay khibrad u leeyihiin tartanka horyaalka.

Arsenal ayaa kaliya badisay 3 kulan oo ka mid ah 9-tii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka xilli ciyaareedkii hore taas oo keentay in ay ku fashilanto horyaalka premier Leage.

Henry ayaana aaminsan in kulamada martida ay mar kale qeexi doonaan xilli ciyaareedkooda, inkastoo uu ku dhiiri galiyay qaab ciyaareedkoodii ugu dambeeyay taasoo keentay inay 21 gool ku dhaliyaan kaliya shan kulan.

“Hagaag marka aad ku jirto kaalinta 3-aad ma ahan xaalad fiican waxa kaliya ee aan dhihi doono, aad ulama yaabin natiijadii kulankii Burnley – ma aanan tagin Burnley, aad ayaan ula yaabay guushii aan ka gaaray West Ham , gaar ahaan qaabkii ay u ciyaareen, ” Halyeeyga Arsenal ayaa ka sheegay CBS.

‘Waxay naga reebeen Carabao Cup, gurigooda ayay nagu garaaceen, marka waxaan u maleeyay in kulankaasi uu noqon doono kulan aad u adag, waxaana ku tagnay oo aan ku badinay 6 kadib waxa aan 5 kaga badinay Burnley”.

“Kulamada ka baxsan garoonkooda 5-tii kulan ee ugu dambeeyay waxa ay ahaayeen kuwo cajiib ah waxana ay go’aamin doonaan fursadaha Arsenal ee horyaalka premier League”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga