Thiago Silva Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Chelsea.

Saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in xiddiga reer Brazil ee Thiago Silva uu ka tagi doono kooxdiisa chelsea kadib dhamaadka xili ciyaareed kaan.

Thiago Silva, oo 39 jir ah, ayaa u soo dhaqaaqay Chelsea xagaagii 2020, isagoo beeca xorta ah kaga yimid Paris Saint-Germain.

Inkasta oo uu da’ wayn noqday xiddiga reer Brazil ayaa wali ah mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda chelsea isaga oo uga mahad celinaya heerkiisa joogtada ah.

Fabrizio Romano ayaa sheegay in Thiago Silva uu ka tagi doono Chelsea ka dib markii uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga.

Suxufiga caanka ah ayaa intaa ku daray in ciyaartoygu uu hore u qaatay go’aankiisa maalmo ka dib markii uu hadalkaasi sheegay oo uu ku tilmaamay inuu gaadhay go’aan, isla markaana uu ku dhawaaqi doono maalmaha soo socda.

Romano ayaa intaa ku daray in Thiago Silva uu diiday in ka badan hal dalab oo uu ku sii joogi lahaa kooxda suuqii January.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga