Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa sheegay inuu filayo inuu dib u helo Diogo Jota oo taam ah hal ama laba todobaadk kadib fasaxa caalamiga ah.
Jota ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Liverpool ka badisay Chelsea iyada oo lagu badalay Darwin Nunez.
Xiddiga reer Portugal ayaa seegay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan mana jirin wakhti la shaaciyay oo uu soo laaban doono.
Si kastaba ha ahaatee, waxa ay u muuqataa in Jota uu horumar la taaban karo ka sameeyay soo kabsashadiisa, Slot ayaana ka qaba rao ah in uu soo laaban doono ka hor dhamaadka bishan.
“Waxaan filaynaa inuu soo laabto ka dib nasashada. Toddobaadyadii ugu horreeyay ee fasaxa ka dib”ayuu Slot yidhi.”
Be the first to comment