Sidee Warbaahinta uga hadashay Iscasilaada Messi & kalmdihii Messi ee gil gilay kubada cagta !

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn uga hadashay go’aankii lama filaanka ahaa ee Lionel Messi uu ku shaaciyay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah, taasoo soo afjartay safarkiisii taariikhiga ahaa ee uu la qaatay xulka qaranka Argentina.

Wargeysyada iyo wakaaladaha wararka ayaa ku tilmaamay go’aanka Messi inuu yahay dhammaadka xilli dahabi ah oo kubadda cagta ah, Wargeyska Marca ee Spain ayaa cinwaan uga dhigay, “Yaab weyn: Messi oo ka fariistay xulka Argentina,” halka Mundo Deportivo ay ku tilmaantay warka mid gilgilay dunida kubadda cagta.

Dhanka kale, AS iyo Sport ayaa diiradda saaray farriintii qiiro lahayd ee Messi, iyagoo soo xigtay hadalkiisii ahaa: “Wax walba waan bixiyay, mana hayo wax kale oo aan sii bixiyo.”

Wargeyska Argentine-ka ah ee Olé ayaa isaguna ku ammaanay dhaxalka Messi, isagoo dib u xusuusiyay 125-kii gool ee uu u dhaliyay xulka qaranka.

Sidoo kale, warbaahinta sida The Guardian, ESPN, L’Équipe, Associated Press, Globo iyo Record ayaa isku raacay in Messi uu ka tagayo xulka isagoo ah ciyaaryahankii ugu safashada badnaa uguna goolasha badnaa taariikhda Argentina, isla markaana uu ka tagay dhaxal ay adkaan doonto in la illoobo, kadib guulihii uu ugu horreeyay Koobka Adduunka 2022 iyo laba koob oo Copa América ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga