Shaxda Ugu Fiican Premier League Todobaadka Oo La Soo Saaray

Man City ayaa sii dheeraysatay guulaha iyaga oo 18 guul oo xidhiidh ah gaadhay kulankii ay 1/0 kaga badiyeen kooxda Arsenal iyaga oo 10 dhibcood ku hogaaminaya horyaalka.

Kooxda Man United ayaa dhankeeda guul 3/1 raaxo leh ka gaadhay kooxda Newcastle United iyaga oo cadaadiska ku sii haya kooxda Man City.

Leicester City ayaa dhankooda 2/1 uga badiyay Aston Villa halka ay West Ham kaalinta 4-aad si buuxda ula wareegtay kadib markii ay garaacday Tottenham.

Kooxda Liverpool ayaa dhankeeda dusha loo saaray guuldaradii 4-aad oo xidhiidh ah kulankii ay guuldarada kala kulantay kooxda Everton.

Chelsea ayaa dhankeeda bar-baro 1/1 ah la gashay kooxda Southampton halka ay Burnkey iyo West Brom bar-baro goolal ah galeen.

Kooxda Fulham ayaa dhankeeda garaacday kooxda Sheffield United.

Hadaba Shabakada BBC Sport ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadkan horyaalka premier League kadib markii la soo afjaray xilli ciyaareedka.

Garth Crooks' team of the week

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*