
Kooxda Man United ayaa bilaaban doonta tartnka Carabao Cup-ka iyaga oo la ciyaari doona kooxda Barnsley.
Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa hubaal shaxdiisa ku samayn doona is badal kulanka ay marti galin doonaan kooxda Barnsley ee wareega seddexaad ee Carabao Cup.
Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford ayaa laga yaabaa inay ka mid noqdaan xiddigaha la fadhiisin doono kadib markii ay ciyaareen kulamadii hore ee premier League.
Xiddigaha Jonny Evans, Harry Maguire, Antony iyo Alejandro Garnacho ayaa la filayaa in ay ku bilowdaan ciyaarta.
Xiddiga Manuel Ugarte ayaa la filayaa in uu ku bilowdo kulankiisii ugu horeeyay kadib markii uu kaydka ka soo kacay kulankii Southampton.
Halkan kaga bogo shaxda macquulka ah ee ay United ku soo gali karto kulanka:
Bayındır; Dalot; Maguire, Evans, Amass; Casemiro, Ugarte, Collyer; Antony, Zirkzee, Garnacho
Be the first to comment