Ethan Nwaneri iyo Myles Lewis-Skelly ayaa labadoodaba la filayaa inay ku soo bilowdaan marka ay Arsenal u safarto Preston tartanka Carabao Cup.
Labada xiddig ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii ay Arsenal 5/1 kaga badisay kooxda Bolton wareegii 3-aad.
Lewis-Skelly iyo Nwaneri midkoodna wax kulan ah kuma soo bilaaban tan iyo markaas, laakiin labadooduba waxa ay ka soo muuqdeen kaydka.
Waxaa la filayaa in lagu daro qeyb ka mid ah isbedelo dhowr ah oo uu filayo tababaraha Arsenal Mikel Arteta kulanka sameeyo marka ay la ciyaarayaan kooxda Preston.
Goolhaye Tommy Setford ayaa laga yaabaa inuu safto kulankiisii ugu horeysay isaga oo nasin doona Goolhaye David Rayahalka xiddiga 18 jirka ah ee Josh Nichols uu rajaynayo in uu ku bilowdo daafaca Midig.
Jakub Kiwior ayaa isna ku bilaaban doona daafaca isaga oo ka garab ciyaari doona William Saliba oo dhaawac ku seegay kulankii Liverpool.
Jorginho ayaa la filayaa in uu khadka dhexe kala garab ciyaaro Oleksandr Zinchenko halka Gabriel Jesus & Raheem Sterling ay hogaamin donaan weerarka.
Halkan kaga bogo shaxda ay Gunners kaga hor tagi karto Preston.
Setford; Nichols, Saliba, Kiwior, Lewis-Skelly; Nwaneri, Jorginho, Zinchenko; Sterling, Jesus, Trossard
Be the first to comment