Ruben Amorim ayaa ka weecday su’aalo ku saabsan mustaqbalkiisa ka dib markii la weydiiyay inuu qaban doono shaqada Man United.
Reds Devils ayaa shaqada ka caydhisay Erik Ten Hag Isniintii kadib markii ay kooxdu si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub.
United ayaa si deg-deg ah Amorim u aqoonsatay bartilmaameedka si ay ugu badalaan Erik Ten Hag waxana ay wadahadalo la galeen Sporting.
Waxa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay bixiyaan 10-ka milyan ee lagu bur-burin karo heshiiska kooxda Sporting.
Amorim waxa uu Sporting kula guuleystay labo horyaal oo Primeira Liga ah sannadihii u dambeeyay, waxaana lala xiriirinayay kooxaha Premier League xilliyadii lasoo dhaafay.
Si kastaba ha ahaatee, markii wax laga weydiiyay xiisaha United, 39-sano jirkaan ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay kooxdiisa haatan.
Waxa uu yiri: “Mar hore ayaan filayay su’aashan [ku saabsan Man Utd], sida iska cad kama hadli doono mustaqbalka, sababtoo ah haddii kale mar walba waa inaan faallo ka bixiyo”.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ahaado tababaraha Sporting”.
Be the first to comment