Roy Keane ayaa aaminsan in Manchester United ay tahay inay u magacowdo Diego Simeone tababare haddii ay go’aansadaan inay shaqada ka ceyriyaan Ruben Amorim.
Maamulka United ayaa weli taageeraya Amorim inkastoo kooxda ay si aan joogto ahayn ku bilaabatay xilli ciyaareedka Premier League, iyagoo helay 10 dhibcood toddobadii kulan ee ugu horreeyay.
Amorim ayaa cadaadis kala kulmaya natiijooyinka, maadaama uu kaliya guulo ka gaaray 20 kulan oo ka mid ah 50-kii uu hogaamiyay tan iyo markii uu la wareegay shaqada Old Trafford 11 bilood ka hor, waxaana mar walba la iska weydiinayaa in nidaamka uu adeegsado uu ku habboon yahay ciyaartoyda kooxda.
Keane wuxuu ku booriyay United inay sii aaminto Amorim, balse wuxuu rumeysan yahay in Simeone, oo laba jeer ku guuleystay La Liga, laba Europa League ah qaaday, isla markaana laba jeer la gaaray final-ka Champions League isagoo leylinaya Atletico Madrid, uu noqon karo shaqsiga ugu habboon ee Old Trafford lagu beddeli karo.
“Waxaan tan sheegayey sanado badan, waxaan jeclaan lahaa in Simeone loo magacaabo xilka Man United, runtii waxaan jeclaan lahaa inuu halkaas yimaado”
“Waan ogahay in saaxiibkiis [Andrea Berta] uu u wareegay Arsenal, laakiin waxaan u maleynayaa inuu abuuri doono koox cajiib ah”ayuu roy sii raaciyay.
Be the first to comment