RB Leipzig Oo Ka Hadashay Xiisaha Barcelona Ee Dani Olmo

Reuven Schroeder, oo ah agaasimaha ciyaaraha kooxda Jarmalka ee Leipzig, ayaa ka hadlay mustaqbalka ciyaaryahanka Dani Olmo, kaasoo ay dooneyso kooxda Barcelona, ​​inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga reer Spain ayaa soo jiitay indhaha kooxaha ugu waaweyn yurub kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay tartankii Euro 2024 oo uu kula guulaystay xulkiisa Spain.

“Dani qiimo weyn ayuu noogu fadhiyaa ciyaaryahan ahaan iyo shaqsi ahaanba,” ayuu Ruthen Schroder ku yiri hadaladiisa Sky Sports.

Waxa uu sii watay:”Cadaadis nama saarna si aan u iibino isaga xagaagan”.

Waxa uu intaa ku daray: “Sida xaalku yahay maanta, waxaan filaynaa in Danny uu nagu soo laabto ka dib marka uu dhamaado fasaxiisa xagaaga.”

Wuxuu ku soo gabagabeeyey: “Wax walba oo kale, gaar ahaan mustaqbalkiisa, ayaa weli ah in la go’aamiyo mar dambe.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga