Owen Hargreaves ayaa saadaaliyay kulanka adag ee dhexmari doona kooxaha Arsenal iyo Man United.

Owen Hargreaves ayaa meesha ka saaray soo jeedinta ah in ay Man United joojin doonto ku guulaysiga Arsenal ee horyaalka premier League.

Arsenal ayaa ku raad joogta horyaalkeedii ugu horeeyay tan ilaa 2004 iyada oo haatan hogaaminaysa horyaalka prmeier League.

“Waxa ay noqon karaan wax walba, United, way waalantahay”ayuu yidhi.

“Xitaa kulankii Burnley ee Old Trafford, Burnley ayaa maamulaysay ciyaarta muddo dheer”.

“Kulanka Arsenal waa mid ku fiican United sababta oo ah waxa ay ciyaari doonaan kubad orod ah”.

“Laakiin Mikel Arteta ayaa shaqo fiican qabttay Arsenal waxana aan filayaa in ay garaaci doonaan Man United”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga